PSG oo hal lug sii dhigatay Wareega 16ka & Kadib guushii Brest

Paris Saint-Germain ayaa hal lug la gashay wareega 16-ka ee tartanka Champions League, xilli ciyaareedka 2024/25, ka dib markii ay maanta guul raaxo leh ka gaartay Brest.
Paris Saint-Germain ayaa lugtii hore ee Play-off-ka ku booqatay Brest si ay ugu soo baxdo wareega 16-ka ee tartanka champions League iyaga oo ku badiyay 3/0.
Bilowgii daqiiqadii 21-aad ee qeybta hore ee ciyaarta ayaa kooxda Paris Saint-Germain ay heshay rigoore, waxaana u dhaliyay Vitinha oo si guul ah u dhaliyay goolka koowaad ee martida.
Ousmane Dembele ayaa daqiiqadii 45-aad u suuragashay in uu goolka labaad udhaliyo kooxda Paris Saint-Germain, kadib baas uu ka helay Achraf Hakimi, wuxuuna ciyaarta ka dhigay laba gool oo nadiif ah.
Kooxda Paris Saint-Germain ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta sii xoojisay awooda ay ka sareeyso Brest,gaar ahaan daqiiqadii 66-aad ee ciyaarta,ka dib markii uu Dembele dhaliyay goolkiisii ​​labaad iyo kii seddexaad ee kooxda Paris.
Taas waxaa ka sii horeysay in la kansalo gool uu dhaliyay ciyaaryahanka Paris Saint-Germain ee Barcola, daqiiqadii 55aad, iyadoo tignoolajiyada muuqaalka soo dhexgashay oo ay go’aansatay in aan la tirin karin sababo la xiriira Offside.
Garoonka Parc des Princes ayaa marti galin doona lugta labaad ee labada kooxood Arbacada 19ka Febraayo.
Guuleystaha Paris Saint-Germain iyo Brest ayaa la kulmi doona Liverpool ama Barcelona, ​​sida uu dhigayo isku aadka Jimcaha, Febraayo 21.