February 23, 2025

Ciyaaraha

Wararkii ugu dambeeyey Ciyaaraha

Miyuu Muslimay Rodygo Dheymanka Real & Qisada Yaabka leh ee Noloshiisa ?

Daawadayaasheena dunida ciyaaraha tube asc kuna soo dhawaada muuqala cusub 

 
Muuqaalka wejigiisa waxa uu u egyahay caruur lkn waa mid kamid ah raga ugu badan ee ad adag uguna dhiiran marka ay sheekada quseyso mida uu cishqiga u hayo halkan waxaan ka hadleynaa mowhuubka kayimid dhulka samba midka 21ka sano jira Rodrigo Goes , badalka dahabiga ee real Madrid & Jokerka mustaxiilka suurtagal ka dhiga habeenada Marenge ee xaala adagyahay , Muuqaalkan waxaan ku eegi doonaa Nolosha gaarka ah ee Rodrigo Goes , 
 
dhalashadiisii & bar baaristiisii , Muxu Modric ugu yeeraa Aabe, Sidee bey Real Madrid uga afduubatay Barcelona , sirta wacdaradiisii maalmihii ugu dambeeyey, kan uu kaga daydo kubada cagta , muxuu udiidayaa labar bar dhigida Neymar Rahankiisa handadaya Liverpool ee Finalka koobka , & xaqiiqada islaamnimadiisa,  inta & kabadan waxaan wadajir ugu baran doonaa xubinteena xaqiiqooyinka xidigaha oo had & jeer aad uga barateen barteena Dunida Ciyaaraha Tube Fadlan nala daawo muuqaalkan .
 
Magaciisa oo buuxa waa Rodrigo Silva De Goes waxa uu kudhashay 9ka bishii janaayo 2001 Magaalada Osasko ee dhacda Soapalo ee dalka Brazil , waxa uu nasabsadaa Qoys dabaqadiisa meel dhexaad ahaa hooyadii waa Denis Gooys Aabihiina wa Eric Batista De Goes kaasoo kubada cagta uciyaaray qaab caalami ah lkn waayihiisa waxa uu ahaa mid iska hooseeyey , waxa uu ahaa laacib dambeed midig oo soo matalay naadiyada heerka hoose ee dalka Brazil kahor inta uusan iscasilin sanadkii 2016 , kaidb markii ay soo muuqatay mowhibada wiilkiisa waxa uu go’aansaday inuu ahmiyad siiyo waayiha canugiisa laga yaabee inuu guuleysto waliba uu gaaro heerka ugu  sareeya, waxa uu bilaabay garab istaagiisa & jiheyntiisa 
 
Maadaama taageere uu u ahaa real madrid waxa uu isku dayi jiray inuu ku hanuuniyo robinho wadadiisa isagoo mar walba kula talin jiray inuu daawado clipyada Robinho kasoo waqtigaasi wacdaro lasameynayey safka naadiga Marenge , waxa uu daawad siin jiray muuqaalada ee Robinho, ilaa laga soo gaaro sanadkii 2018 Rodrgo waxa uu kali ku ahaa waalidiintiisa kahor inta aysan dhalan walaashiisa kalida ah ,
 
9jirkiisii ayey fursadu siisay inuu imtixaan u galo naadiga santos , heer sare ayuu ku guuleystay waxaana uuku biiray academiyadda kooxda santos,  sanadkii 2010 markaas oo uu jiray 10 sano , waqtigaasi waalidkii waxa uu ka dalbaday inuu kubiiro kooxda kubada saaladaha ee katirsan naadiga santos si uu umaro wadadi xidiga ay qoyska siweyn u jeclaayeen ee robinho si uu Rodrigo mowhibadiisa ugu soo bandhigo dhamaan Qaabka ugu fiican , kubada saaladaha waxey ku caawisay ka weeraryahan ahaan iney horumarto awoodiisa xukumida kubada, gambiska & orodka , intaasi kadib waxa uu isaga dambeeyey kooxaha da’yarada ilaa lagasoo gaaray kooxda 1aad isagoo jira da’da 16 sano kaliya ,
 
waxa uu laqoray santos heer indhadaraan dar leh isagoo noqday mid kamid ah mawaahiibta ugu fiican caalamka gaar ahaan koofur ameerica  , si ay usoo farageliso real Madrid oo ay   afduubato sanadkii 2019 , ama xul ahaan waxa uu matalay Rodrigo heerarka hoose ee Brazil , sanadkii 2019 waxa uu xirtay fanaanada 1aad e xulka Brazil waxa uu uciyaaray 5 kulan xulka kaasoo uuku dhaliyey hal gool .
 
Durba wiilkan waxa uu Real Madrid kula guuleysatay 2 horyaal sanadihii 2020 & 2022 lagu daray super copaha isla sanadahaasi, shaqsi ahaan waxa uu sidoo kale xaqiijiyey abaalmarino ay ugu weyn tahay jaa’izada mowhibada ugu fiican caalamka ee barta Goal sanadkii 2020, sidoo kale waxa uu gaaray tiro rikooro ah sida laacibkii 2aad ee ugu yaraa ee hatrick ka dhaliya taariikhda koobka uefa champions League ga , waxa uusameeyey sanadkii 2019 -2020 markii sadexley ka dhaliyey shabaqada naadiga Galastry & laba gool oo dhawaan ka dhaliyey Man City , waxa uu noqday laacibkii ugu yaraa ee laba gool ka dhaliya semi finalka champiosn league ga & laacibkii ugu horeeyey ee 2 gool dhaliya kadib daqiiqadii 90 aad kulanka bug bax ah tartanka Champios league ga .
 
Shaki la’aan xidiga Brazilianka waa mid kamid ah abuurayaashii xiliciyaareedka real Madrid goolashiisii uu dhaliyey intooda badan kadib markii uu badal kusoo galay , Champions League Rodrigo waxa uu dhaliyey goolkii guusha real ayku raacday inter Milan wareegii Groupyada kabadal ahaan, rubuc dhamaadkii badal ahaan ayuu kusoo galay kulankii Chelsea lugtii 2aad halka real 3gool lagu lahaa lkn waxa uu dhaliyey goolkii soo laabashada & kii sababta u ahaa in waqti dheeri ah lagu daro kulanka , sidoo kale City ayuu isla sidaasi kusameeyey , 
 
Marengy waxa lagu llahaa gool daqiqadihii ugu dambeeyey  , wax walbana waxa ay tilaamayeen iney ka baxday real Madrid Champions League kahor inta uusan soo galin Rodrigo oo uusan dhalin 2gool waxa uusoo nooleeyey rajada malaki , sidoo kale leyskama indha tiri karo doorkiisii ku guuleysiga real ee la liga , kulankii saviilia waxuu kamid ah kulamadiisii ugu saameynta guusha ciriiriga Remontada aheyd ee real kaasoo gool uu dhaliyey midkalena uu caawiyey, cyaartii go’aaminta Espanyol kaasoo madrid ay ku xaqiijisay ku guuleysiga horyaalka waxa u dhaliyey laba gool .
 
Waxyaabaha cajiibka ah ee ah Nolosha Rodrigo waxa kamid ah in waalidiintiisa ay jiraan da’da sodonmeeyada waqtigan , waalidkii waxa uu guursaday markii uu jiray 16 sano maantana waxa uu jira 37 sano kaliya,  waana isla da’da Croatianka Luka Modric Saaxiibkiisa real Madrid markii uu ogaaday xidiga Brazilianka arinkaasi kadib kubiiristiisii Malaki , umuurta waxa ay isku badashay kaftan Modric waxa  ugu yeerayey aabe ama waalidkeyga , waxaana kasoo muuqday arimo yaab leh oo labada ku kulmiyey, waxa ugu weynaa Bishii marso ee tagtay waxa kusoo beegantay maalinta ciida aabaha caalamka markii uu daabacay Rodrigo sawir uu xabadka gelinayo Modric  , isagoo ku qoray ciid farxad leh maalinta Aabaha Luka Modric , waxa raaciyey weji qoslaya , kahor inta uusan usoo jawaabin Luka isagoo leh :- mahadsanid wiilkeygii , 
 
Kahor inta aysan iswajihin Real Madrid & Manchester City lugta 2aad aabihii ayuu rahan kula galay inuu dhalinayo 3 gool , inkasto uu badal kusoo galay daqiiqadii 68 aad waxa uu ku guuleystay in natiijada uuku rogo city kadib markuu uu dhaliyey 2gool bal qarka ayuu usaarnaa inuu dhaliyo goolka 3aad hadii aysan ahaan laheyn bad baadintii Ederson, si uu ugu fashilmo dhalinta hatrick sida uu ka balan qaaday aabihii lkn waxa uu sheegay inuu dhameystiri doono sadex leyda finalka koobka champions League ga ee uu ka hortagi doono Liverpool waxa uu yiri :- “Aabahey waxey rahan kula galay inaan dhalin doono 3gool , hagaag waxaan dhaliyey 2 gool kaliya waxa iga dhiman gool waxaan dhalin doonaa finalka, 
 
kahor inta uusan ku biirin Real Madrid waxa ay isku dayeen naadiyada Liverpool & parissant German waxa ay isku dayeen iney afduubtaan Braziliankan . PSg waxey usoo bandhigtay mushahar kabadan kabadan numberkii aysoo bandhigtay real madrid lkn kan dambe waxa uu ka doorbiday inuu uwareego naadiga Malaki waxaana uu ka leeyahay :- “Marna kama labalabeyn markii Real Madrid ay iisoo bandhigtay dalabkii ugu horeeyey , waxey aheyd  riyo aan doonay inaan xaqiijiyo mudo sanado kahor sidaasi daraadeed waan diiday inaan lahadlo naadiyada kale oo isku dayey iney iqaataan.
 
kahor inta aysan  ka gudbin naadiga Real Madrid dalabka ayku dooneysay iney ku qaadato , Barcelona waxa ay isku dayday iney lawareegto laacibka sida ay baahisay jariirada Sport taasoo cadeysay naadiga Catalonianka iney lahadashay Santos bal waxa ay ka heshay ogolaansho mab da’i ah aabaha laacibka lkn waxa jiray khilaaf ku aadan qiimaha heshiiska , comisionka & abaalmarinta saxiixa , intii aysocdeen wadahadaladan wiilkan lagu keenayey Camp Nou waxa soo gashay Real madrid iyadoo ogolaatay dhamaan dalabaadkii qoyska , waqtigaasi kama laba labeyn waalidka kan dambe ogolaanshaha naadiga uu taageerayey real Madrid halka uu la xiriiray Barcelona una cudur daaray heshiiskiisii hore uula gaaray.
 
Yaraantiisa Rodrigo waxa uu kubada cagta kaga dayan jiray xidigii reer Brazil Robinho lkn kadib markii caalami uu noqday laacibka waxa uu ictiraafay ninka beiulguimka u dhashay Eden Hazard inuu yahay kan uu ku daydo waxaana uu ka yiri :- ” Maalin maalmaha kamid ah sawirka hazard waxa uu ahaa mid shaashada mobileyga aan saaran jiray maanta waxa uwada uciyaareynaa hal koox ” , 
 
Geesta kale waxa uu diiday Rodrigo in saxaafada ayla bar bar dhigto neymar uguna yeerto neymarka cusub waxaana uu kayiri arinkaasi :- “Neymar waa laacib weyn lkn aniga waxaan doonayaa inaan ahaado Rodrigo, 
 
Rodrigo waxa uu cilaaqad la leeyahay gabar Brazilian ah oo kayar laba sano , magaceeda waa Luana atik Lopez waxa uu bartay waqtigii uu joogay Santos , Geesta kale waxa la arkay markii ay soo gabagabowday ciyaartii real madrid & Savilia , waxa uu dhaliyey gool  hordhac unoqday in Malaki natiijada ku rogto Kooxda reer Andulus kuna guuleysato 3-2 , waxa la arkay isagoo sujuudsan, dood  , hadaba warbixinada soo baxay waxa ay sheegayaan inuu laacibkan uu heysto diinta masiixiyadda iyagoo beeniyey inuu muslim yahay , waxaana lagu macneeyey muuqaalka sujuuda inu mahadcelinayey dhulka balse aysan aheyn sujuuda muslimiinta  .
 
Kacdonka Rodrigo & wacdarada garoomada uuka sameynayo maaha wax xalay dhalay ah balse waxa uu kuyimid shaqo adag & talaabooyin laacibka uu raacayey in mudo ah bilowgii xili ciyaareedkan waxa qortay macalin jirka dhisa oo u gaar ah , isagoo doorkiisa joogteen nidaam cunto oo jirkiisa & awoodisa u ilaaliya waana waxa keenay in awooda jirkiisa uuka xoog bato sidii hore uu u ahaa , waxa uu awoodaa inuu si xoogan ku ordo isagoo kubada lugtiisa ku jirto jihadiisa ubadalo , kudarso dabacadihiisa wiilkan inuu laazimo banaanka garoonka waxa uu ka leeyahay Braziliankan :-  Aniga ma ahi shaqsi inbadan ubaxa banaanka mana lihi saaxiibo badan , waxaan isku dayaa dhamaan nolosheyda inaan wax walba ugu fududeeyo kubada badalkeeda inta aan aadi lahaa xafladaha & Shineemooyinka waxaan ka doorbidayaa inaan tababarto oo aan u buuro raaxada lagama maarmaanka ah nafteyda 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Copyright © All rights reserved. | Newsphere by AF themes.