ARGAGAX Ronald Araujo Miyuu soo dhamaaday XIli ciyaareedkiisa kadib dhaawicii xalay ?

Daafaca reer Uruguay Ronald Araujo ayaa waqtiyo adag ku qaadanaya Barcelona, isagoo wajahaya caqabado waa weyn oo la qabsiga qaab ciyaareedka tababaraha Jarmalka Hans Flick, sida uu sheegay saxafiga Juan Jimenez oo ku qoray wargeyska Isbaanishka ee AS.
Tan iyo markii uu ku soo laabtay garoomada bishii Janaayo ee la soo dhaafay ciyaartii Barbastro, Araujo ma uusan soo bandhigin heerkiisii caadiga ahaa, waxaana shaki laga muujinayaa inuu ku hareereysan yahay qaab ciyaareedkiisa iyo qaab ciyaareedkiisa Flick, kaasoo ku saleysan inuu si habsami leh kubada u bixiyo isla markaana u adeegsado difaac horumarsan.
Ciyaartii Copa del Rey ee Valencia, Araujo ayaa kursiga keydka soo fadhiistay, laakiin Flick ayaa markale fursad usiiyey kulankii Sevilla, laakiin wax walba uma hagaagin, iyadoo ciyaaryahanku uu ku guuldareystay inuu fahmo saaxiibadiis Inigo Martinez iyo Jules Kounde si ay u yareeyaan boosaska faaruqa ah & jebinta offside ka taasoo xalayba lagu eedeyey goolki bar baraha , 12 daqiiqo oo kaliya ka dib, waxaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo.
Inkastoo aan la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa, haddana welwelka ugu weyn ayaa ah heerka farsamada, gaar ahaan maadaama uu qaab ciyaareedkiisa is badbadalaya uu soo noqnoqday kulamadii ugu dambeeyay.
Gudaha Barça, doodan kaliya maahan arin yar, laakiin waa isha cad ee walaaca labada Flick iyo Deco, iyadoo Araujo la filayo inuu si dhakhso ah u kordhiyo heerka daafaca si uu booskiisa line-upka u xaqiijiyo.
hadaba dhaawicii xalay kadib waxa la xaqijiyey inuu mari doono baaritaan kadibna la ogaandoono xaaladiisa. waxaana laga baqayaa in waqti dheer garoomada ka maqnaado.