Dani Carvajal, ciyaaryahanka Real Madrid iyo xulka qaranka Spain, ayaa xaqiijiyay inuu fahamsan yahay w

Dani Carvajal, ciyaaryahanka Real Madrid iyo xulka qaranka Spain, ayaa xaqiijiyay inuu fahamsan yahay waxa saaxiibkiis, Vinicius Junior, uu ka cabanayo cunsurinimada, wuxuuna ka jawaabay hadaladii uu sheegay ee ahaa inuu ka baxayo qabanqaabada Koobka Adduunka 2030 ee dalkiisa.
Spain, Portugal iyo Morocco ayaa martigelin doona Koobka Adduunka 2030, Vinicius wuxuu ku nuuxnuuxsaday in qabanqaabada Koobka Adduunka ay tahay in laga saaro Spain, sababtoo ah cunsuriyadda taageereyaasha, isagoo farta ku fiiqay heeso aflagaado ah oo uu kula kacay horyaalka Spain ee Real Madrid.
Xulka qaranka Spain ayaa beri oo Khamiis ah la kulmi doona Serbia kulan ka tirsan tartanka qaramada Yurub.

Carvajal ayaa ka hadlay shir jaraa’id ka hor kulankii Serbia, wuxuuna yiri: “Waan ka soo horjeednaa mowqif kasta oo ku saabsan cunsuriyadda.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Laakiin Spain uma qalmo in laga diido abaabulka koobka adduunka, Spain waa wadan leh dhaqamo badan”.

Isagoo ka hadlayay abaalmarinta Ballon d’Or, halkaas oo lagu dhawaaqay musharaxiinta, oo uu ku jiro Carvajal, wuxuu yiri: “Way ku adag tahay kuwa ka ciyaara daafaca (fursadaha ay ku guuleysan karaan), laakiin mar hore waan ku qanacsanahay waxa aan haysto. ”

Isagoo ka hadlayay xirashada calaamada hoggaanka Spain, wuxuu sharraxay: “Wax badan ayay aniga ila tahay inaan xirto calaamada waddankayga, ma sameeyo wax gaar ah oo aan ku daydo.”

Isagoo ka hadlaya kubbada cagta Spain, Carvajal wuxuu ku adkaystay: “Si fiican ayaan uga shaqaynaynaa dhinac walba, waana wax dabiici ah inay naga masayraan Yurub.”

Waxaa sidoo kale wax laga weydiiyay nidaamka cusub ee Champions League, wuxuuna ku jawaabay: “Waxaan u arkaa dhibaatada in isku aadka uu saameyn weyn leeyahay iyo in kulamo badan ay jiraan”.

About admin

Check Also

Hal guul…Maxay United gaartay 3-dii wareeg ee ugu horeysay horyaalka Premier League?

Waxaa la soo gaba gabeeyay seddexdii wareeg ee ugu horeysay tartanka horyaalka Ingiriiska,ka dib markii …